
Gudoomiye ku xigeenka guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mowliid Mataan Salaad iyo xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay musharrax madaxwayne Jibriil Ibrahim Cabdulle.
Intii kulanku socday waxa laga wada hadlay in si buuxda looga wada shaqeeyo qabsoomida doorasho daah furan.
Xubnaha GHDHF ayaa xusay in ay ka go’antahay guddiyada doorashooyinka inay cadaalad usameeyan Dhamaan musharixiinta tartamaya.
Dhankiisa Musharax MD Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa hoosta ka xariiqay in kalsooni buuxda uu kula shaqayn doono guddiyada doorashooyinka dalka.
Waxa kale oo uu ku booriyay xubnaha Guddiyada doorashooyinka muhiimada ay leedahay in dhamaan musharraxiintu ay helaan sinaan iyo caddaalad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.