Magaalada Garowe ayaa lagu soo bandhigay daraasad ka hadlaysa saddex magaalo oo taariikh hore burburay oo laga helay dooxada Nugaal.
Magaalooyinka oo qiyaastii midiiba ku fadhiday dhul dhan 1-km ayaa magacyadooda lagu sheegay Xundhurgaal, Xabgaal iyo Xananley, kuwaas oo aasaartooda laga helay agagaarka Garowe.
Daraasadda waxaa qoray Siciid Shidaad Xuseen oo hay’adda cilmi-baarista Puntland ee PDRC u qaabilsan daraasadaha sare ee cilmiga bulshada.
Siciid Shidaad ayaa kulankii furitaanka bandhiga daraasaddan kaga hadlay magaalooyinkii burburay ee Nugaal iyo ilbaxnimadii hore ee dhul-weynaha Soomaaliya.
Azania (Archaeological Research in Africa) oo ka mid ah nadaamka cilmi-barista ee jaamicadda Cambridge ayaa dhawaan daabacday warbixin ay uga hadashay magaalooyinka burburay ee laga helay dooxada Nugaal, iyadoo soo xigatay cilmi-baarista Siciid Shidaad.
PUNTLAND POST