Xubin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA.
Xubintan oo uu magaciisa Af-garashadu ahaa Careys, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-shabaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.
Calas Axmed Xirsi, oo loogu yeeri jiray (Careys), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay dhibaato ay ku hayaan dadka degaanka.
Calas oo haatan gacanta dowlada ku jira 7-cisho, ayaa sheegay in uu ka soo dagaallamay degaano ka Tirsan Galmudug oo uu kooxda kala shaqeynayay.
PUNTLAND POST