Maxaa ka jira in mooshin ka dhashay muranka xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland?

Waxa soo baxaya warar ku saabsan, in xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay isu diyaarinayaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha maxkamadda sare, haddii uu fara-gelin ku sameeyo muranka ka taagan wax-ka beddelka xeer-hoosaadka golaha.

Dad lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in mudanayaasha Baarlamanku ay u diyaar-garoobeen mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyaha maxkamadda sare Nuur Ciise Maxamed haddiiba uu fara-geliyo wax-ka beddelka xeer-hoosaadka.

Xukuumadda Puntland iyo xildhibaanno taageersan, ayaa doonaya in laga laabto wax-ka beddelka xeer-hoosaadkan, islamarkaana maxkamadda sare loo gudbiyo, si ay go’aan kama dambays ah uga gaarto, maadaama aan weli la dhisin maxkamad dastuuriya.

Hase yeeshee, guddoonka Baarlamanka iyo xildhibaanno badan oo taageersan, ayaa diidan in laga laabto wax-ka beddelka xeer-hoosaadka golaha oo dhigaya in guddoonka iyo mudanayaasha ay xasaanada ku waayi karaan 44-cod.

PUNTLAND POST