
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa waxaa uu kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland.
Madaxweynha Jubbaland ayaa Xubnaha Guddiga ku booriyay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.
Qaar kamid ah Xubmaha Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa ay warbixin ka siiyeen halka ay u marayaan howlaha ay wadaan iyo qorshahooda xiga.
Dhamaan Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ayaa dib ugu laabtay degaannadooda, iyada oo qorshuhu yahay in 25 Bishaan ay bilaawdaan doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.