Baarlamanka Puntland oo la fasaxay mudda saddex maalmood ah

Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland ayaa galay fasax mudda saddex maalmood ah, si ay u soo akhriyaan hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo loo qaybiyay shalay.

Hindise-sharciyeedkan oo uu Baarlamanka u soo gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi, waxa lagu wareejiyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka,warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamanka, si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad.

Fadhiga Baarlamanka ayaa sida qorshaysan la isu’gu soo laaban doona maalinta Sabtida ah oo ku beegan July 17, 2021, iyadoo golaha la hor-keeni doono hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah.

Dhinaca kale, xildhibaanno kooban oo taageersan xukuumadda ayaa doonaya in laga laabto wax-ka beddelka lagu sameeyay xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland, inkastoo mudanayaasha badankoodu isku raacsan yihiin wax-ka beddelkan.

PUNTLAND POST