Waa kuma xidigii ugu fiicnaa tartanka qaramada Yurub?

Gianluigi Donnarumma oo 22 jir ah ayaa loo caleemo-saaray ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankii qaramada Yurub ee 2020, waxaana abaalmarintaas garoonka Wembley ku guddoonsiiyay madaxa UEFA Aleksander Čeferin.

Donnarumma ayaa ahaa halyeeygii Azzurri (Talyaaniga) ka caawiyay inay hantaan horyaalkoodii labaad ee Yurub, isagoo rigoorooyin is-daba-joog ah ka badbaadiyey da’yarta Ingariiska ee Jadon Sancho iyo Bukayo Sakam.

Kulankii semi-finalka ee Spain, wuxuu joojiyay rigooradii ugu dambeysay ee Alvaro Morata, taas oo sababtay in xulkiisu u baxo kulanka finalka.

Donnarumma oo afar gool oo kaliya laga dhilayay intii tartanku socday wuxuu ka caawiyay Talyaaniga inay Euro 2020 guuldarro la’aan ku dhameystaan 34 kulan, joogitaankiisa goolka ayaa fure u ahaa waligiisna wax gool ah lagama dhalin wax ka badan hal mar 90-ka daqiiqo, halka uu saddex kulan oo wareega group-yada shabaqiisa ka ilaalilay gool.

Donnarumma oo tan 2016 goolhaye u ahaa kooxda AC Milan ayaa bishii hore ee Juun si xor ah ugu biiray kooxda reer Faransiis ee PSG.

Intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2020/21 ee AC Milan, goolhayaha da’da yar ee Donnarumma ayaa shabaqiisa ilaashaday 14 kulan.

Donnarumma wuxuu raacayaa Matthias Sammer (1996 – Germany), Zinedine Zidane (2000 – France), Theodoros Zagorakis (2004 – Greece), Xavi (2008 – Spain), Andres Iniesta (2012 – Spain) iyo Antoine Griezmann (2016 – France) ) kuwaas oo ku guuleystay abaalmarinta UEFA.

PUNTLAND POST