Wararka laga helayo degaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay dad isku qoys ah.
Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe degaankaas ku dilay laba carruur ah iyo aabbahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi waalid.
Weerarka waxa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 sano jir ah.
Weerarkan oo lala xiriirinayo aanoa-qabiil ayaa lagu beegsaday qoys reer miyi ah oo degganaa baadiyaha degaanka Saax-qurun sida laga soo xigtay goob-joogayaal.
PUNTLAND POST