
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Garbahaarrey ayaa xalay booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi.
War ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu Ugaaska uga mahadceliyay kaalintiisa ku aaddan Nabadaynta iyo Dib u-heshiisiinta Bulshada.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Ugaaska ku boorriyay in la sii xoojiyo doorka dhaqanka ee ku saabsan Nabadaynta iyo isku-haynta Bulshada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.