
Xubnaha guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ayaa maanta fadhi rasmiya oo ay yeesheen ku doortay shir gudoon cusub.
Xilka Gudoomiyaha guddiga waxaa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye Ku Xigeen loo doortay Mudane Najiib Xuseen Samaale.
Doorashada waxaa ka maqnaa 4-ta xubnood ee ka yimid garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana isdoortay 7 xubnood oo ka kala yimid garabka Mahdi Guuleed iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.
Xubnaha garabka Cabdi Xaashi ayaa doonayay in aysan doorashada ka qeybgelin 3-da xubnood ee laga soo magacaabay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.
Waxaa muuqata in khilaafka siyaasiyiin Waqooyi uu saameeyay guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.