
23 xubnood oo kamid ahaa as’aasayaasha urur siyaasadeedka Mideeye, ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in ay isaga baxeen ururkaas.
War-saxaafadeed ka soo baxay xubnahan, ayaa lagu sheegay in mudda sagaal bilood ah uu soo jiitamayay khilaaf u dhexeeya urur siyaasadeedka Mideeye, kadib markii la isku-fahmi waayay ku dhaqanka mabaa’didii lagu as’aasay ururka.
Siyaasiyiintan ayaa ku eedeeyay guddoonka loo doortay Mideeye, in ay ku dhaqmi waayeen mabaa’dida ururka, taas oo abuurtay khilaafka, islamarkaana ay sabab u noqdeen in khilaafkaas la xallin waayo.
Sidoo kale, waxay sheegeen in ay dacwad arrintaas ku saabsan u gudbiyeen guddiga KMG doorashooyinka Puntland, balse jawaabta TPEC ay xal u noqon wayday khilaafka Mideeye, sidaas darteedna ay ururka isaga baxeen.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.