Farxaan Qoroole oo qarax ka badbaaday

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa goordhaweyd ka badbaaday qarax lala eegtay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari lagu weeraray kolonyo gaadiida ah oo taliyahu la socday, kuwaas oo marayay meel u dhow Isbitaalka Banaadir.

Qaraxa waxaa ka dhashay khasaare isugu dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ilaalada Farxaan Qaroole.

Faahfaahin dib kala soco.

PUNTLAND POST