Ururka Dhaqaatiirta Puntland oo doortay Hoggaan cusub

Shirweynaha 4-aad ee ururka Dhaqaatiirta Puntland, ayaa maanta Jimce ah lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirweynaha waxa ka qayb-galay dhaqaatiir isaga yimid dhammaan Gobollada Puntland, waxaana lagu doortay hoggaanka cusub ee ururka.

Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Puntland ayaa loo doortay Dr. Aaden Shire Yuusuf, halka Guddoomiye ku xigeenka loo doortay Dr Jaamac Axmed Ibraahim.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee ururka Dhaqaatiirta waxa loo doortay Dr. Cabdullaahi Cabdirashiid, waxaana sidaas ku soo geba-gaboobay Shirka.

Hoggaanka cusub ee ururka Dhaqaatiirta Puntland ayaa ballan-qaaday in ay halkaas ka  sii wadi-doonaan hawlaha ururka, waxaana ay uga mahadceliyeen hoggaankii iyaga ka horreeyay arrimihii u qabsoomay.

PUNTLAND POST