Rooble iyo Axmed Madoobe oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Jubooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ciidamada Taliska qeybta 43-aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa bogaadin u jeediyay ciidankaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyay dadaalka dowladda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga jawaabo baahiyada ay qabaan ciidamada.

R/wasaare Rooble,waxa uu ciidanka ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Nabad-Diidka. Isagoona balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax u qabashada ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulamada uu la qaatay ciidanka ku weheliyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.

PUNTLAND POST