Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro magaalada Garbahaarrey ee xarunta Govolka Gedo.
Xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo hordhac u ah socdaalkiisa, ayaa maanta oo Jimce ah lagu soo dhoweeyay Garbahaarrey.
Socdaalka Ra’iisul wasaaraha oo ay ku wehelin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxa lagu sheegay in uu la xiriiro xallinta muranka arrimaha doorashooyinka ee ka taagan Gobolka Gedo.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
PUNTLAND POST