Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Daacish oo ka socda Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaa shalay iyo maanta dagaalo culus ku dhexmareen ciidamada difaaca Puntland iyo Daacish.

Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, ayaa hawlgalo xooggan ka wada nawaaxiga degaanka Dhabancado oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad, oo ay ku dhuumaalaystan ururka Daacish.

Sarakiisha Ciidamada Puntland, ayaa sheegay in dagaalkii shalay iyo maanta ay ku qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla buuraleyda Calmiskaad, islamarkaana Daacish ay ka saareen degaanka.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay dagaalkaa ku dileen xubno ka tirsan Daacish, halka qaar kalena ay nolosha ku qabteen.

Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland, waxaase dadka degaanku sheegeen in dagaalku weli socdo.

PUNTLAND POST