Dad rayid ah oo ku dhintay qarax ka dhacay koonfurta Gobolka Mudug

Laba qof oo rayid ah ku geeriyootay miino la kacday Gaari Caasi ah oo saaka ka amba-baxay degaanka Qaycad kuna sii jeeday degmada Bacaadweyne oo katirsan Gobolka Mudug.

Miinada ayaa waxa gebi ahaanba ku burburay gaariga sida laga soo xigtay goob-joogayaal halkaasi gaaray.

Labada Qof ee dhimatay ayaa kala ahaa Wadihii Gaariga iyo nin la socday waxaana la soo warinayaa inaan Cid kale la socan.

Maalmo ka hor ciidamada dowladda oo ay weheliyaan kuwa Galmudug iyo ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST