
Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka Jubaland.
Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada heer Federaal ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya socdaalkiisa Jubaland ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubaland.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale xalay Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiinta Gedo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.