Puntland: Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo maanta la shaacinayo

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa sida qorshaysan maanta oo Khamiis ah shaacinaysa natiijada imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Puntland ayay ku sheegtay in ay duhurnimada maanta shaacinayso Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Imtixaanka Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare waxa sannadkan u fariistay in ka badan 5,700 oo arday dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Puntland.

PUNTLAND POST