Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsanayn hay’adda Shidaalka Soomaaliya

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn hay’adda Batroolka u qaabilsan dowladda Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Macdanta iyo biyaha Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) ayaa lagu caddeeyay in Puntland aysan aqoonsanayn dhammaan heshiisyada iyo shaqada hay’adda Shidaalka u qaabilsan Soomaaliya ee SPA.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in mudda-xileedkii Dastuuriga ahaa ee hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhammaaday 8 February 2021, islamarkaana aysan xukuumadda xil-gaarsiinta ah awood u lahayn in ay gasho heshiisyo caalami ah.

Sidoo kale, dowladda Puntland ayaa ugu baaqday shirkadaha Shidaalka ee doonaya in ay heshiisyo la galaan dowladda Soomaaliya in ay iska sugaan, inta ay dhacayso doorashada madaxtinimada dalka oo ay ka imaanayso dowlad awood u leh shaqadaas.

PUNTLAND POST