Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaalada dalka, Dhalinyarada weli ku maqan dalka ereteriya, iyaga oo dalbaday in aan xil dambe lagu aaminin madaxweyne Farmaajo
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa walaac looga muujiyay dhalinyarada ku maqan dalka Ereteriya, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in Madaxweyne Farmaajo uu dhegaha ka fureystay cabashada Waalidiinta Carruurtooda uga maqan tahay Ereteriya.
Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiigii uu arrintaasi ku saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ay noqdeen kuwo magac u yaal ah oo ay ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo Siyaasada dhalinyarada la qaaday.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.