Hoggaamiyaasha Tigray oo ku celiyay shuruud ku saabsan baaqii xabad-joojinta

Saraakiisha Tigray-ga ayaa mar kale jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee dowladda Itoobiya.

Hoggaamiyaasha Tigray waxay shuruud ku xireen baaqaas ku saabsan in xabbad-joojin laga hirgeliyo Gobolka Tigray ee colaaddu ka socoto.

Waxay sheegeen in baaqaas ay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan Gobolka.

Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxyeeladii ay geysteen intii uu dagaalka socday.

PUNTLAND POST