Guddiga doorashada heer Puntland oo guddoon cusub doortay

Guddiga doorashooyinka Federaalka ee heer Puntland ayaa maanta magaaalada Muqdisho ku doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub.

Guddigan ayaa qaabilsan maamulidda doorashada xubnaha labada Aqalka ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto degaannada Puntland.

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Cabdikariin Muuse Maxamuud oo keligiis u tartamay xilkaas kadib markii uu helay dhammaan 11-kii cod.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka guddiga ayaa loo doortay Caynaanshe Yuusuf Xuseen kaas oo isna helay 11-ka cod ee xubnihii wax doortay.

PUNTLAND POST