Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray dalka Itoobiya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Axmed Jaamac.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya wasiiro ka tirsan Koonfur galbeed iyo qaarka mid ah agaasinka Xafiiska Madaxweynaha.

PUNTLAND POST