Dowladda Uganda ayaa soo saartay sharci cusub oo ku saabsan xamaynta xanuunka COVID-19, kaas cadaadis ku keenay nolosha dadweynaha Uganda.
Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofkii ku tukada banaanka, qofkii aan xiran af-saab ama Mask, qofkii wax ku iibiya banaanka, ama badeeco jidadka ku wareejiya la xirayo laga bilaabo bishan July.
Dowladda Uganda ayaa aaminsan in ficiladan ay yihiin kuwa faafinaya xanuunka COVID-19, iyadoo dalkaasi laga diwaan geliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub.
Saambalo dadka laga uruuriyay horaantii bishii tagtay ee June ayaa muujinaya in nooca Corona ee Delta ee markii ugu horeysay lagu arkay India uu yahay midka hadda ku faafaya Uganda.
PUNTLAND POST