Waxgaradka iyo Aqoonyahanka degaanka Tasjiic, oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari, ayaa si adag u cambaareeyay guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC.
Aqoonyahanka iyo waxgaradka Tasjiic, oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in guddiga TPEC uu ka been-abuurtay degaanka, islamarkaana aysan jirin wax diiwaan-gelin ah oo laga sameeyay.
Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ay been-abuur iyo waxba kama jiraan tahay, natiijada ka soo baxday guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo ku saabsan in diiwaan-gelin laga sameeyay degaankaas.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in tallaabada noocaas ah ay meesha ka saarayso kalsoonidii iyo hankii loo qabay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.
PUNTLAND POST