Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xisaab-xirka Miisaaniyadda dowladda sannadkii 2020.

Xisaab-xirka Miisaaniyadda waxa Baarlamanka u gudbisay wasaaradda Maaliyadda, iyadoo xildhibaannadu ay dood ka yeesheen, ka hor inta aysan ansixin.

Xisaab-xirkan ayaa sida wasaaraddu sheegtay loo diyaariyey habka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash bases, taas oo wax weyn ka bedeshay habka xisaab-xirka dowladda.

Sidoo kale, wasaaradda Maaliyadda ayaa mudanayaasha Baarlamanka uga mahad-celisay ansixinta  Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2020.

PUNTLAND POST