Puntland oo madaxweyne Farmaajo ku eedaysan in uu maal-geliyay dacaayad ku suntan difaaca Al-shabaab

Xukuumadda Puntland ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu lacag ku bixiyay dacaayad ku salaysan difaacidda Al-shabaab.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Deperani, ayuu ku sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday (Farmaajo) uu lacag ku bixiyay sawir-gacmeed muujinaya arrintaas.

Deperani ayaa tilmaamay in sawir-gacmeedkaas looga been-sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii farshaxaniiste Amiir Caamir uu soo saaray sawir loo ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan Al-shabaab ahayn.

PUNTLAND POST