
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubalnad.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan bulshada Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo wafdiiga.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dowlada Jubaland iyo bulshada rayidka.
Mas’uuliyiinta Puntland iyo Jubaland ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac.







PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.