Wadaad 21 sano Imaan ka ahaa masaajida Boosaaso oo xalay la dilay

Wadaad lagu magacaabi jiray, macallin Cali Bashiir Xasan oo dhowaan fasax uga baxay magaalada Boosaaso, islamarkaana safar u aaday degaannada Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay nawaaxiga Baydhabo.

Allaha u naxariiste, macallin Cali Bashiir Xasan iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa sida wararku sheegayaan xalay lagu dilay degaan ka tirsan magaalad Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Marxuumka oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, wuxu mudda kusiman 21 sano mu’addin iyo imaam ka ahaa masaajidda Boosaaso, gaar ahaanna wuxu hadda imaan ka ahaa masjidka Al-Nawaawi Boosaaso.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed weli faahfaahin kama bixin dilka macallin Cali Bashiir iyo walaalkiis oo si weyn looga wada-naxay.

PUNTLAND POST