
Qaar kamid ah dadweynaha ku nool degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa shalay dhigay mudaharaad ay uga soo horjeedaan tirakoob ay degmadaas u qaateen Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland (TPEC).
Dadweynaha mudaharaadka dhigay ayaa TPEC ku eedeeyay in ay isticmaaleen tirakoob mala’awaal ah, waxayna tilmaaameen in ay tahay arrin meel ka dhac ku ah degmada Ufeyn.
Mudaharaadayaasha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Qorsheynt in ay wax ka qabtaan cabashadooda, haddii kalana aysan aqbalayn doorasho ka dhacda degmadaas.
Dhanka kale maamulka degmada Qardho ayaa isaguna cabasho taas la mid ah ka qaba tirakoobka TPEC ay soo bandhigtay.
Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku tilmaamay tirakoobka TPEC mid mala-awaala oo xaqiiqada ka fog.
Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland ayaa tirada guud ee dadka degmada Qardho ku sheegay 181,039 qof, halka Ufeyn uu ku sheegay 57,095 qof, waxayna xuseen in ay xogtaas ka soo xigteen Wasaaradda Qorsheynta Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.