In ka badan 130 qof ayaa todobaadkan kulayl ba’an ugu dhintay galbeedka waddanka Canada, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dowladda.
Warbaahinta ayaa sheegtay in dadka kulaylka u geeriyooday badankoodu ahay ahaayeen waayeel da’ ah, islamarkaana xamili waayay heer-kulka oo gaaray 49.5 degrees Celsius.
Sido kale, magaalooyin Portland Oregon, Seattle iyo Washington ee dalka Maraykanka, waxaaa saameeyay kulayl aad u daran oo gaaraya 42C ilaa 46C.
Heer-kulkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee dunida laga diiwaan-geliyay tan iyo sannadkii 1940.
PUNTLAND POST