
Shirka ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, oo uu weheliyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.
Shirka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynahaa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo khadka Zoom-ka uga qayb-galaya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.
Madaxda oo maanta dhegaystay warbixinta farsamo ee Arrimaha Doorashada, ayaa qaabilay xubno ka socda Haweenka Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Haweenka, Kulanka ayaa looga hadlay doorka Haweenka iyo sidii ay kooto kufilan uga heli lahaayeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.