Qaramada Midoobay oo si adag uga hadashay colaadda Gobolka Tigray

Qaramada Midoobay ayaa si adag uga hadashay xiisadda colaadeed ee ka aloosan Gobolka Tigray ee waddanka Ethiopia.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan looga muujiyay colaadda ka taagan Tigray kadib markii jabhadda TPLF la wareegtay magaalada Mekele.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo.

Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Bayaankaas.

PUNTLAND POST