Ciidamada Puntland oo dilay muuqaal duube ka tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ee PSF ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo dhigayay wadada isku xirta tuulada Xamure iyo degmada Balidhidin ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay PSF ayaa lagu yiri “Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale ee Puntland ayaa ku guulaystay in ay soo afjaraan xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari”.

PSF waxay sheegtay in xubnaha ay dileen uu ku jiray muuqaal duube horey internet-ka ugu baahiyay qaraxyo maalmo ka hor laga beegsaday kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Wasiiro ka tirsan Puntland.

“Xubnaha ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internet-ka” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

PSF ma xusin tirada xubnaha ay ka dileen Daacish iyo khasaare dhankooda ka soo gaaray dagaalka, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada PSF oo laga helayo deegaanadaas.

PUNTLAND POST