
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay, in ay Axaddii shalay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo.
War ka soo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.
Sida laga soo xigtay Al-shabaab, dadka la toogtay waa shan nin iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan Al-shabaab.
Waana Cumar Cabdulqaadir Hiiraale, Cabdi Xasan Axmed, Ibraahim Cumar Cali, Sadaam Cusmaan Maxamed, Aweys Xasan Xaaji iyo Fartuun Cumar Abkow.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.