TPLF oo dib u qabsatay Maqalle iyo Abiy oo ku dhawaaqay xabad joojin


Magaalada Maqalle ee xarunta maamulka Tigreega waxaa saacado ka hor dib ula wareegay ururka TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa isaga baxay Maqalle oo ay gacanta ku hayeen tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore, waxaana magaalada hadda ka socda dabaal-degyo lagu taageerayo ururka TPLF.

Dhanka kale dowladda federaalka Itoobiya ayaa goordhaweyd xabad joojin hal dhinac ah uga dhawaaqday gobolka Tigreega, taasoo uu soo jeediyay maamulka ku meelgaarka ah ee gobolkaas.

Gobolka Tigreega ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo kharaar, waxayna TPLF gacanta ku dhigtay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya.

PUNTLAND POST