Shirkii Muqdisho oo furmay iyo Guudlaawe oo uga qeybgalay Internet-ka


Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashada ayaa goordhaweyd ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray tabashadii Hirshabeelle.

Madaxweyanaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ooblaga qanciyay tabashadii uu qabay ayaa shirka uga qeybgalay habka fogaan araga ee Zoom-ka, isagoo ku sugan dalka Turkiga.

Shirka oo guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirka ayaa socon doona maalmaha soo socda, waxaana laga yabaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii 27 May.

PUNTLAND POST