Rooble iyo Qoor Qoor oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada weerarkii Wisil

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay Isbitaalada magaalada Muqdishu ku booqday bukaannadii ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen degmada Wisil ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka kana tacsiyeeyay dhamaan intii ku dhintay dagaalkii degaanka Wisil.

Dhinaca kale madaxda ayaa bogaadisay shacabka iyo ciidamada qalabka sida ee iska caabiyay weerarka xarakada Al-shabaab.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa u duceeyay bukaanada in Ilaahey caafimaad degdeg ah siiyo, ayagoona dhanka kale ballan qaaday in ay sii labalaabi doonan hawlgal ka dhan ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST