Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntlad ayaa soo bandhigay xogta codbixiyeyaasha iska diiweengeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.
Guddiga ayaa wadarta guud ee dadka sida saxda ah isaga diiwaangeliyay 3-daas degmo ku sheegay 46,187 qof oo in ka badan boqolkiiba konton (50.5%) yihiin dhedig.
Degamada Qardho waxaa iska diiwaangeliyay 24,921 qof, degmada Eyl waxaa iska diiwaangeliyay 11,364 qof, halka Ufeyn ay iska diiwaageliyeen 9,902 qof.
Tirada koobka guud ee dadka degamada Qardho ayaa lagu sheegay 181,039 qof, degmada Eyl waxaa lagu qiyaasay 148,611 qof, halka Ufeyn lagu sheegay 57,095 qof.
PUNTLAND POST