Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dhul dowladeed oo la iibinayo

Baarlamaan Puntland ayaa maanta asixiyay iibka dhulka laanta Bangiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo u soo gudbiyay Madaxweyne Deni.

41 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntkand ayaa oggolaaday in la iibiyo dhulkaas, 2 mudane ayaa ka aamusay, wax diidayna ma jirin.

Muuqaalka ansixinta iibka dhulka Bangiga Gaalkacyo

Waa markii ugu horeysay oo hanti dowladeed oo la iibinayo la oo soo mariyo Golaha Wakiillada Puntkand, waxaa horey u jiray hanti badan oo la iibiyay, iyadoo aysan oggolaan Baarlamaanka.

Dastuurka Puntland qodobkiisa 52-aad, farqadiisa 3-aad ayaa dhigaysa “Hanti kasta oo qiimaheedu ka yar yahay US$ 50,000 (konton kun US$), waxaa awood u leh Golaha Xukuumadda, wixii ka badan US$50,000 (konton kun US$), waxay u baahanaysaa ogolaanshaha Golaha Wakiillada“.

PUNTLAND POST