Sarkaalkii booliiska ahaa ee dilay George Floyd, ayey maxkamad ku taal Minneapolis jimcihii ku xukuntay 22.5 sano oo xarig ah.
Dilkan oo aha mid wada taabtay quluubta shucuubka caalamka ayaa sababay mudaharaado ka dhacay badi daafaha dunida.
George Floyd ayaa geeriyooday bishii May ee sannnadkii hore ka dib markii uu ciijiyey askari cadaan ahi.
Boqolaal shacab ah oo ka falcelinaya xukunka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee maxkamada.
PUNTLAND POST