Indonesia: Wadaad qariyay macluumaad ku saabsan COVID-19 oo xabsi lagu xukumay

Wadaad u dhashay waddanka Indonesia, ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, kaddib markii uu qariyay macluumaad ku saabsan baaritaanka COVID-19.

Wadaadka lagu eedeyay in uu faafiyay xanuunkaas, kaddib markii uu qabtay kulamo diimeedyo ay iskugu yimaadeen boqollaal qof.

Ciidamada Booliska iyo Militariga ayaa aad u ilaalinayay maxkadda Bariga Jakarta, halkaas oo saddexda garsoore ee maxkamaddaas ay ku xukumeen in Rizeiq Shihab uu ka been sheegay natiijada baaritaankii lagu sameeyay ee COVID-19.

Shihab ayaa xirnaa ilaa Decemeber 13, 2020, waxaana, garsoorayaashu amreen in wakhtigii uu horey u qaatay laga jaro xukunkiisa cusub.

Hay’adaha ammaanka ayaa xiray waddooyinka mara agagaarka maxkamadda, iyadoo kumanaan ka mid ah taageereyaasha Shihab ay isku dayayeen inay dhigaan bannaanbax ay ku dalbanayaan siideyntiisa.

PUNTLAND POST