
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka horyimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo in uu berri oo Axad ah ka furmo magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri “Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa in aysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho”.
Hirshabeelle waxay tilmaantay in aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka Muqdisho, wixii kasoo baxana aysan quseyn Hirshabeelle.
Hirshabeelle waxay sheegtay in ay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa safar dibada ah ugu maqan dalka Turkiga, waana mas’uulka kaliya ee ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaran oo weli ka maqan magaalada Muqdisho.
Shirka Muqdisho ayaa la sheegay in looga hadlayo howligii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27 May iyo dardargelinta shaqooyinka harsan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.