
Xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaa xalay lagu qabtay munaasabad ku saabsan sannad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay 26-kii Juun 1960 markaas oo ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen dowladda Ingiriiska.
Munaasibadda waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay xuska 26-ka June.
Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dagaal ku hayso Somaliland islamarkaana dhinaca dhaqaalahana dhaqaalaha xayiraad ka saartay arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.