
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Soomaaliya ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo adkeeyay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.
Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.