
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska maalinta xorriyadda 26-ka June.
Mudane Axmed Karaash, ayaa ku hambalyeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay 26-kii June 1960, markaas oo Gobollada waqooyi ee Soomaaliya ka xornimadooda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in 26-ka June qiima badan ugu fadhido umadda Soomaaliyeed, maadaama ay tahay markii u horraysay oo calan Soomaali leedahay oo xor ah laga taago Gobollada waqooyi ee dalka.
“Hambalyo dhammaan ummada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan Sanad guurada 61-aad ee kasoo wareegtay markii u horaysay ee Calan Soomaliyeed laga taago ciiddeena 26 June 1960.” Ayuu yiri Axmed Karaash
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.