Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni, wuxu Muqdisho kaga qayb-gelaya shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka waxa ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaas ayaa sida qorshaysan Sabtida berri ah ka furmi doona magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST