Golaha degaanka cusub ee degmada Jarriiban oo maanta la shaaciyay

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimce ah shaacisay liiska golaha degaanka cusub ee degmada Jarriiban oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay liiska oo ka kooban 21 xubnood kuwaas ay soo xuleen odayaasha dhaqanka degmada Jarriiban.

Xubnaha cusub ee golaha degaanka Jarriiban ayaa la filaya in ay saacadaha soo socda doortaan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas.

PUNTLAND POST