Ninkii ugu horreeyay ee sameeyay Anti-virus oo is dilay

John McAfee oo ahaa asaasihii shirkadii ugu horreeyay ee sameysa barnaamijyada la dagaalanka virus-ka kombiyuutarada ayaa meydkiisa shalay laga helay qol ka mid ah xibsi uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Barcelona.

John McAfee oo 75 sano jir ahaa ayaa dhimashadiisu timid saacado uun ka dib markii maxkamada qaranka Spain ay aqbashay in ay dib ugu celiso Mareykanka si uu ula kulmo dacwado la xiriira cashuur lunsi.

“Wafdi garsoor ayaa yimid xabsiga si ay u baaraan sababaha keenay dhimashada, wax walba waxay tilmaamayaan dhimasho ismiidaamin ah (is dil ah)” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda gobolka Catalan.

Bishii Oktoobar 2020 ayaa John McAfee lagu xiray Spain, isagoo doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu xereeyo canshuur celinta muddo afar sano ah.

john David McAfee wuxuu ahaa barnaamij-yaqaan kumbuyuutar Ingiriis-Mareykan ah, ganacsade iyo musharax siyaasadeed oo sanadle ah.

PUNTLAND POST